‘Jabuuti Waxay Ka Xorowday Dowlado Waaweyn Haddana Shirkad Ma Qabsan Karto’

0
352

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eedeymo ay kala kulantay shirkadda dekedaha maamusha ee DP World, oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxayna gaashaanka ku dhufatay xukun kasoo baxay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay UK.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006-dii.Maamulaha guud ee dekedaha dalka Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi, oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in aanu jirin heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.Waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go’aanka la sheegay inuu maxkamadda London ka soo baxay. 

“Jabuuti waxay jabisay heshiiskii ka dhaxeeyay DCT (shirkad mideyneysay Jabuuti iyo DP World) iyo dowladda Jabuuti, sababtuna waxay ahayd in DCT ay tiri 50-ka sano ee soo socda xeebta Jabuuti oo dhan kama jiri karo aag xor ah in annaga oggolaansho nalaga helo maahee”.

Dowlado waaweyn ayey ka xorowday Jabuuti

Abubakar Cumar Xaddi ayaa ku gacan seyray bayaan dhawaan kasoo baxay DP World, isagoo sheegay in shirkaddan aysan la wareegi karin Jabuuti.

“Dowladda Jabuuti waxay xornimadeeda ka qaadatay dowlado waaweyn, marka shacabka iyo dowladda Jabuuti hadda ma oggolaanayaan in ay shirkad dib u qabsato dhaqaalaheedii, oo horumarkii waddanka oo dhan ay 50 sano iyadu ka taliso”, ayuu yiri Xaddi.

Muranka labada dhinaca ayaa ka billowday maamulka dekedda Doraleh, oo ay sida la sheegay lagu dhisay heshiis u dhaxeeyay DP World iyo Jabuuti.

“DP World oo mar kale ka guuleysatay dowladda Jabuuti”

.

DP World ayaa dhawaan sheegtay inay ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

War-saxaafadeed ay soo saartay DP World ayaa lagu sheegay in koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamad fadhigeedu yahay London oo dhageysata dacwadaha caalamiga ah ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

DP World ayaa intaas ku dartay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ay ka khasaartay tan iyo markii ay dowladda Jabuuti kala wareegtay maamu;lka dekedda, sanadkii 2018-kii.

Shirkaddu waxay sheegtay in garsooreyaasha go’aankan soo saaray ay sheegeen in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

.

Go’aanka dowladda Jabuuti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu sheegtay inay dhiseyso dekedda Bebera ee ay maamusho jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, si nay uga faa’iideysato Itoobiya.

Tallaabadaas ayey Jabuuti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Itoobiya.

95% badeecooyinka Itoobiya waxay soo maraan dekedaha Jabuuti.

DP World, oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here