“Nin Mindi Ku Weeraray Arday Dugsi Kasoo Baxay Oo Hargaysa Ku Yaala”

0
367

Abaaro Labadii Duhurnimo ee Shalay  ayaa Nin ku hubaysani Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa.
Ninka Mindida sitay ayaa laba jeer Ardayga kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana Ardayga ka soo gaadhay dad goobta joogay. Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa sheegay inuu u sheegay
inuu ka amaan waayey. Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here