Trump Oo Bixiyay Jawaabtii La Wada Sugayay Ee Aargoosiga Iiraan

0
402

Mr Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadda qaranka ee laga sugayay, isagoo ku sugan Aqalka Cad.

Hadalkan oo uu jeedinayay xilli ay ku hareereysnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulkiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo wax ku noqday weerararkii talaadadii lagu qaaday labo saldhig oo ku yaalla Ciraaq, burbur aan weyneynna uu soo gaaray xarumahaas. Wuxuu Trump seegay in Iiraan ay u muuqato inay dib u dageyso oo ay nafistay.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, si toos ahna looga daawanayay telefishinnada ayuu sheegay in Iiraan ay hadda dib u dagtay maadaama ay beegsatay saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doono Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Wuxuu dhinaca kale ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

Hase ahaatee madaxweyne Trump qayaan jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la iswada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” ka dib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq.

Waxaan leenahay dano isku mid ah

Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Iiraan iyo Mareykanka loo baahnaa inay ka wada shaqeeyaan la dagaallanka cadowgooda midka ah.

“Kooxda dowladda Islaaniga ah waxay cadow u tahay Mareykanka iyo Iiraan labadaba, waxaana waajib nagu ahayd inaan si wadajir ah uga hortagno. Intii aan xilka hayay waxaa howlgallada Mareykanka lagu dilay tobannaan kun oo ka tirsanaa dagaallameyaasha IS”, ayuu yiri Trump.

Siduu u dhacay weerarkii gantaallada Iiraan?

In ka badan 10 gantaal oo laga soo riday gudaha Iiraan ayaa lagu garaacay labo saldhig oo ay ciidamada Cirka ee Mareykanku ku leeyihiin magaalooyinka Irbil iyo Al Asad, oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Weerarradaas ayaa dhacay habeenimadii ay talaadada sii baxeysay, Arbacaduna soo galeysay, abaare 22:30 GMT.

Dhowr gantaal oo kale ayaa ku dhacay meelo masaafe u jira goobihii uu bartilmaameedku ahaa.

 

Weerarradan ay Iiraan fulisay ayaa yimid saacado yar ka dib markii la aasay Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada Iiraan ee bariga dhexe.

Kani wuxuu ahaa weerarkii ugu horreeyay ee ay Iiraan si toos ah ugu qaadday Mareykanka, tan iyo qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran, sanadkii 1979-kii.

Saacado yar ka dib markii gantaalladaas la riday, diyaarad laga leeyahay waddanka Ukraine ayaa ku dhacday meel u dhow Tehran, wax yar ka dib markii ay duushay.

Hase ahaatee ma jirto caddeyn loo hayo in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.

Shirkado badan oo diyaaradeed ayaa baajiyay duullimaadyo ay ku dul mari lahaayeen saldhigyada cirka ee Iiraan iyo Ciraaq, xilli ay hadda xiisaddu sare u sii kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here