Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay wax wadashaqayn ah la yeelaan waddamada iskakaashanaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta la dafirayo xuquuqdeeda muhiimka ah.
“Somaliland waa dal madax bannaan kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yidhi qoraalka.
SOMALILAND ayaa sheegtay in Xuduudeeda badeed oo dhererkeedu dhan yahay 850 KM ay ka ilaalisay in ay gabaad u noqoto Budhcad Badeeda iyo weliba Ururrada Argagaxisada.
Shirka Sacuudiga ka dhacay waxa ka qayb-galay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.