Madaxwaynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan looga hadlaayay xalinta khilaaf ka dhashay Guddoomiye uu maamulkiisa u magacaabay degmada Buula Burde layeeshay Odayaasha dhaqanka degmaadaasi oo diidanaa Maamulka loo Magacaabey.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa Odayaasha Dhaqanka degmada Buula Burde waxa ay diideen in lagu qanciyo Guddoomiyihii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle u magacaawday degmadaasi,iyaga oo ku celiyey.
Mid kamid ah odayaashii kulanka ka qyeb galay oo lagu Magacaabo Cali Cumar Qaasim ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Waare u sheegeen in Maamulka ay wadaan ay ka daayaan,isla markaana Mamulka hadda jira uu Shaqeeyo,hayeeshee Waare uu diidey.
Waxaa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle ay ka sugayaan jawaabta codsiga ay hordhigeen,isla markaana ay ka rajeynayaan in uu ka aqbalo.