Mareykanka Oo Shaaciyay Tirada Dadkii Kaga Waxyeelloobay Weerarkii Saldhigga Milatariga

0
348

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii saakay.

”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee maanta.”

Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan.

Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof.

Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas.

Maxaa ka dhacay xerada Simba?

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Xoogagga Difaaca Kenya KDF ayaa sheegay in afar ka mid ah, dableeyda weerarka soo qaadday la dilay, sidoo kale afhayeen u hadlay Xoogagga Difaaca Kenya KDF wuxuu sheegay in dab ka dhashay weerarka la damiyay uuna haatan wanaagsan yahay xaaladda saldhigga.

Gegi diyaaradeed oo shacabka isticmaalaan oo aan sidaa uga fogeyn goobta la weeraray ayaa iyadana dib loo furay. Sida ay sheegeen saraakiisha duullimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here