Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Oo Xabad Ku Dhuftay Wiil Yar & Aabbaha Dhalay Wiilka Oo Qiso Murugo Leh Bulshada La Wadaagay.

0
423

Qisadan xanuunka badan waxa inala wadaagay oo sheegay in ay ku dhacday walaalkeen Foozi Wadaadyare.

“Askari kibrey oo ka tirsan saldhiga daloodh ayaa muddo laga joogo laba wiig iyo maalmo oo ku beegnayd 16 bishii aynu soo dhaaftey ee 12’aad 6:20 subaxnimo Rasaas ku dhuftey wiil aan dhalay oo 16 jir ah, misigta midig dusheeda ayay ka cuskatey xabadu, buruca sare ayey qashay waxa la tolay 14 qodob.

Sidan ayey wax u dhaceen wakhtigaas ayaa gurigayga laad lagu garaacay, waa askar gaadhi wadata, caruurta oo iskuulada u diyaar garoobeysa ayaa dayrka ka soo yaacay, waxay arkeen askarta caytamaysa ee hanjabaysa, Aabooy waa askar
ayey igu yidhaahdeen anigoo jiifa, waan soo kacay, intaanan albaabka furin ayaan ku idhi war maxaad ahaydeen ? Jawaabtii waxay noqotey laag iyo qori albaabka lagu garaaco iyo cay laf jab ah, waxaan goaansadey in aan furo, gudaha ayey u soo Galeen gurigii, waa dhawr iyo toban askari oo hubeysan, waxay i waydiiyeen
inamadaadii meeye, anna waxaan u dhaqaaqay qolkay hurdeen, intaan furey ayaan u dhawaaqay, waar soo baxa askarbaa Idin doonaysee ayaan ku idhi, qoryaha way laaladsanayaan, mid ka mida ayaa qoriga guriga dhexdiisa ku cabeeyay, markaas ayaa caruurtii iyo dumarkii wada qayliyeen, Anna waxan ku idhi waar caruurta ha iga
layn waar caruurta hayga layn, inamadii oo laba ahaa ayaa soo baxay iyakoo nigisyo iyo garamo xidhan, way kaxaysteen, intii ay gaadhiga ku sii wadeen ayey si xun u garaaceen iyakoo raacay oo aan midna iskusoo taagin ( ilaahay ayaan markhaati u haystaa ) waan adkaysan waayey markaas ayaan ku idhi, ” Waar caruurta hayga
layninee danbiga loo haystaa wuxuu yahayba sharcibaa jiree maxaad u garacaysaan ? Waad qabateen oo way idin raaceene ? Askartii qayb ka mid ah ayaa igu soo jeestay oo qori dabadii ila dhacay, farna maan dhaqaajin,
dib ayaan gurigaygii ugu soo noqday si aan dharka u xidho oo an uga daba tago, anigoo qolka ku jira oo dharkii is leh xidho ayaan xabada maqlay qaraxeeda, waxa xigtey oohinta iyo qaylada, alla suhayb ayuu toogtey oo way ku dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here