Siyaasi Maraykan ah oo xumihii uu dadka ka waaniyey isagii loo xidhay

0
385

Siyaasi Maraykan ah oo maqaal ku qoray wargeys ka soo baxa magaalada uu deganyahay oo uu dadka uga digayey in iyaga oo khamri cabsan ay baabuurta kaxeeyaan, ayaa qudhiisii oo cabsan oo baabuur wada la xidhay.

Booliska ayaa sheegay in Brian Kolb, oo ah sarkaalka ugu sareeya xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ugu jira baarlamanka gobolka New York, habeenkii la soo dhawaynayey sannadka cusub baabuurkiisu meel duqeeyey.

Todobaad uun ka hor ayuu maqaal uu qoray ku yidhi “go’aan xun oo aad qaadato ayuun baa kaa xiga masiibo kugu habsata, marmarsiiyo na ma laha in adiga oo cabsan aad baabuur kaxaysaa”.

Kolb waa 67 jir waxaanu war qoraal ah oo uu soo saaray ku yidhi “aad baan uga xumahay wixii dhacay, khalad weyn oo aan galay weeyi, waana khaladkii aan dadka uga digayey, qiraal baan ahayn in aan gefkaa masuuliyaddiisa leeyahay”.

“Marmarsiiyo iyo sabab toona ma laha shilka aan habeenimadii Salaasadii galay. Go’aan khaladan baan qaatay aad iyo aad na waan iga xumahay” ayuu yidhi.

Taliyaha booliska degmada Ontario, Kevin Henderson, ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in Kolb baabuurkii dawladdu siisay uu ku tuuray god ku agyaal waddo ku taal magaalada Victor ee u dhawr Rochester, ka dina askartii booliska ahaa ee goobta ugu yimid markay baadheen ogaadeen in uu cabsanaa, xataa markii saldhigga la geeyey na mar la baad la baadhay oo la xaqiijiyey inuu cabsanaa.

Kieran Lalor oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee baarlamanka gobolka ayaa ugu baaqay Kolb in uu iska casilo xilka gudoomiyaha kutlada xisbiga ee baarlamanka.

“Hadaanu durba iscasilaaddiisa ku dhawaaqin, waa ceeb kale oo dul hoganaysa” ayuu ku yidhi qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey.

Kolb maqaalkaa uu qoray 24 Diisembe waxa uu ku soo beegay iyada oo dalka laga wado ka wacyi gelinta dadka in iyaga oo khamri cabsan ay baabuurta kaxeeyaan.

Waxaanu maqaalkiisaa ku sheegay in ay haboontahay in dadku ay tagaasi kiraystaan ama ay gaadiidka dadweynaha raacaan marka ay khamriga cabbaan oo aanay baabuurtooda kaxaysan.

“Adigoo cabsan in aad baabuur kaxaysaa naftaada oo keli ah halis kuma aha, laakiin waxay sidoo kale halis ku tahay gaadiid leyda kale iyo dadka wada ag socda” ayuu ku yidhi maqaalkiisa.

“laakiin waxa haboon in aad marka hore b aka fiirsatid oo aad ku talo gasho [sida aad ku hoyan doonto] si aanay hadhow kuu qabsan mashaqo aad ka baaqsan kartaa”. Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here