Xukuumada Muuse Biixi Oo Xabsiga Ku Gurtay Xubno Ka Mid Ah Ehelada Xoghaye Ramaax+Magacyada Dadka La Xidhay

0
456
Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil Ayaa Xabsiga magaalada Berbera u Taxaabay Afar dhalinyaro ah oo Kamida Ehelada Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID Ramaax Cali Hayste oo todobaadkan lagu Xidhay Xarunta C.I.D Magaalada Hargeysa.

Image may contain: 5 people

 

Dhalinyaradan Ayaa Wararku Sheegayaan in laga soo xidhay Magaalada Sheekh iyo Tuulooyinka u dhow Ee hoos yimaada Degmadaasi Sheekh, kuwaasi oo loo soo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe Ee magaalada Berbera.

Magacyada Dhalinyaradan oo qaarkood ay walaalo yihiin Siyaasi Ramaax Cali Hayste

Ayaamagacayadoodu kala yihiin

1.Deeq cali Hayste

2.Cabdulaahi Cali Hayste

3.Cismaan Cabdi Hinaaase

4.Cabdi xasan haybe

Ilaa hadda Ma cadda Sababta keentay Xadhiga Dhalinyaradani ciidamada Booliisku ay kasoo Qabteen Magaalada Sheekh iyo Degaanada hoos yimaada, waxaana xadhigoodu dhalinyaradani ku soo beegmayaa markii dhawaan Degmadaasi Sheekh ay ka dhaceen Mudaharaad lagaga soo Horjeedo Xadhiga Siyaasi Ramaax Cali hayste, kuwaasi oo Mudaharadayaashu ay Xukuumada Madaxweyne Muuse ka Dalbanayeen In Xoriyadiisa loo soo Celiyo Siyaasi Mahamud Ramaax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here