Maxaa Loo Waayey Ururadii Somaliland Ee La Midka Ahaa Mac-hadka Heritage Ee Soomaaliya?

0
388

 

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ka mid ah sharci yaqaanada somaliland ayaa ka hadlay sababaha ay u kori waayeen ururada bulshada ee la midka ahaa mac-hadka Heritage ee soomaaliya.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa kale oo uu dawlada soomaliland ugu baaqay inay ogolaato koritaanka ururada fikrad ahaan ka soo horjeeda, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

 

Maxaa loo waayay ururo Somaliland leedahay oo qaban kara shirka Heritage oo kale? Dad badan ayaa waydiintaas qaba. Fekerkayga sadex sababood:

1. Ururada badankooda oo noqday kuwo ku dhex milan, ka amar qaata ama ka mid ah xukuumadda: Waa ururada ugu waawayn, uguna lacagta roon.

2. Kuwa isku daya inay si madaxbanaan u shaqeeyaan oo ay dawladdu cidhiidhi geliso. Dabadeed dhaqaale la’aan iyo shaqaale la’aan ayaa ku dhacda. Waxa ku adkaata inay jiraan, iska daa inay shaqo buuranqabtaane.

3. Dadka reer Somaliland qaarkood oo awooda saara waxa ay ku kula duwan yihiin oo aan eegin waxay ka midaysan yihiin. Hebel la diidan yahay dartii ayaa wax kasta loo burburiyaa marar badan. Ciddii dawladda ka aragti duwan caqabado badan ayaa soo foodsaara.

Talo

1. In dawladdu ogolaato ururada dhaliila inay koraan. Dalka iyo dawladaba waa u dan:

2. In aan dawladu kala dhowaysan ururada oo aan qaar hoosta la soo gashan:

3. In ururadu si madaxbanaan u shaqeeyaan oo aanay noqon kuwo xukuumadda horbooda.

4. In la taageero hal abuurada maxalliga ah oo aan la curdin dhadhin.

Waa iga talo ee maag ugama gol lihi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here