Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Salman Khan ayaa qirtay inuu “ku madax adkaa” waalidiintiisa, Salim Khan iyo Salma Khan, sidoo kalena iskuulka uu dhiganayay laga eryay isagoo marayay fasalka afaraad.
Xiddigan ayaa arrimahan sheegay xilli uu ka hadlayay bandhigga “Tara Sharma”, halkaasoo uu ka ahaa marti sharafkii ugu horreeyay.
Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa sheekadan ku saabsan noloshii yaraanta ee Salman.
Markii ay Tara weydiisay Salman su’aal ku saabsaneyd sidii uu yaraantiisa ahaa ayuu yidhi: “Markaan yaraa, waan dhibi jiray waalidiinteyda, aad bay iigu rafaadi jireen, walina sidii ayaan ahay, ilaa hadda dabeecaddaas waan leeyahay”.
Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay inuu mar walba jeclaa waalidiintiisa, ayna aad isugu dhawaayeen. “Taasi waa sababta aan xanuunka u dareemo mar kasta oo aan xaaladdaas soo xasuusto”, ayuu yiri.
Salman Khan ayaa dhanka kale ka hadlay qaar ka mid ah marxaladihii uu soo maray markii uu iskuulka dhiganayay, isagoo sheegay in “la eryay” xilli uu ku jiray fasalka 4-aad ee dugsiga hoose.
“Run ahaantii ma aqaanno waxa khaldan ee aan sameeyay marka aan soo korayay, waana la yaabanahay sababtii la iiga eryay iskuulka anigoo fasalka afaraad ku jira. Waxaa la ii gudbiyay iskuul kale, markaas ka dibna waxay iskuulkeygii hore ka codsadeen inuu dib ii qaato”, ayuu yiri Khan.
Atoorahan ayaa intii uu sheekadaas waday wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo dhex martay macallinka maamulaha ka ahaa mac-had uu dhiganayay. Wuxuu sheegay in maamulaha uu carooday markii uu Salman u gambiyay cashirkii maaddada seyniska. “Bannaanka ayuu igu sugayay isagoo ul heysta, wuxuuna iisii istaagay albaabka weyn agtiisa! Wuu ogaa inaan wax kale ku mashquulsanaa”,