Adeeggii Internet-ka Oo Laga Jaray Iiraan Iyo Sababta

0
425

Adeeggii internet-ka ayaa laga gooyay qeybo ka mid ah waddanka Iiraan, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in la qorsheynayo mudaharaadyo cusub oo ka dhan ah dowladda.

Xogta la helay ayaa muujineysa in dibadbaxyada la qabanqaabinayo ay dhici doonaan maalinta oo Khamiista ah.

Dad ku sugan dalka Iiraan ayaa soo tabiyay inay cadho w7eyn ka dhalatay tallaabadaas, halka waaxda adeegga internet-kana ay xaqiijisay in laga jaray meelaha qaarkood.

Wakaaladda wararka Ilna ee uu saldhiggeedu yahay Iiraan ayaa soo xigatay saraakiil magacyadooda la qariyay oo sheegaya in arrintaasi ay ku timid amar sare oo kasoo baxay dowladda.

Waxay kusoo aadeysaa iyadoo lagu baaqayo mudaharaadyo loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay dibadbaxyadii dhacay bishii hore.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in dad gaaraya 304 ruux la dilay kumannaan kalena xabsiga loo taxaabay maalmihii ay dibadbaxyadu socdeen, ciidamaduna ay howlgallada fulinayeen.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tirada dhimashada gaadhsiisay 1,500 oo ruux, iyadoo macluumaadkana kasoo xiganeysay saraakiil aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here