Maayirka Hargeysa Muxuu Ka Yidhi Eedihii Faysal Cali Waraabe

0
411
Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Ka Jawaabay Eedayn Kulul oo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe u jeediyey Golaha deegaanka ee Caasimadda.
Maayerka Caasimada Hargeysa Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa waxa uu ku cadeeyey inaanay Sharci-darro ku fadhiyin golayaasha deegaanku, sida uu ku eedeeyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu xusay in goleyaal la soo doortay beddeli karaan sida sharcigu dhigayo.
Sidoo kale waxa uu Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ka codsaday Madaxweynaha Somaliland inuu furo Ururrada Siyaasadda, si jaanis ay u helaan dad badan oo hansiyaasadeed leh, maaddaama oo aanay fursad u wada heli Karin Xisbiyada hadda jira oo uu tilmaamay in qaarkood cid gaar ah kooto u yihiin, siduu ku dooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here