Madaxii Shirkadda Boeing Oo Shaqada Lagaga Eryay Sababo La xidhiidha Burburkii Diyaaradda 737 Max

0
332

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eridaymadaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer ooay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max In kabadan 340 qof ayaashilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata noocadiyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadkaisticmaala diyaaradaha ay sameyso.

 

Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa aydurbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare eeshirkaddaasi Shirkaddaasi Boeing ayaa baaritaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii labadiyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay

waddamada Induniisiya iyo Itoobiya Isticmaalka diyaaradaha nooca 737 Max ay markiiba la hakiyay dunida oodhan.

 

Cillad farsamDhammaadkii bishii Septembar ee sanadkan, baaritaan la sameeyay ka dib waxaa lagu ogaaday in diyaaradahanooca Boing 737-ng lagu arkay dildillaac qaybaha sare ee diyaaraddaasi Marki uu warkaasi soo if baxay wixika dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay indiyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo.

 

Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ahshaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore eediyaaradaha” Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkaycalaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyeyBalse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney labadiyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan Shirkadda Boeing waxay sheegtay shirkadahadiyaaradahan isticmaala iney xogaha diyaaradahaasi ku saabsan ay soo gaarsiiyeen balse ay sheegin wax cilladoo ay kala kulmeen inti ay diyaaradahaasi adeegsanayeen Balse Shirkadda Boeing ma aysan sheegin intadiyaaradood ee ay cilladdaasi ay ka baareyso.

 

Shaqaalaha shirkaddaasi ayaa sidoo kale sida la sheegay sanadkii 2016 isu diray farriimo ku saabsan cillad ayku arkeen diyaaradda nooca 737 Max oo ahayd noocii labada jeer galaaftay nolasha boqolaal qof Dukumeentiyoqoraal ah oo shirkaddani Boeing ay ku wareejisay garyaqaannadeeda ayaa muujinayay in mid ka mid ahduuliyeyaasha diyaaraddaasi uu sheegay in dhibaato aan horey loo sii shaacin uu la kulmay xilli uu tijaabinayaydiyaaraddaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here