Haweenka Galbeedka London Oo Munaasibad Sagootin Ah Ku Maamusay Xildhibaan Mubaarig Bidhe Oo Ka Tirsan Golaha Degaanka Burco .[Sawiro]

0
436

Haweenkan Qurbajoogta Ah Ee Degan Galbeedka London Ee Dalka Ingiiriska Oo Ku Midoobay Ururka Gaf Woman Group Ayaa casho Sharaftan Iyo Sagootin Ah Ugu Sameeyey Hudhelka Behesht Restaurant Oo Ku Yalaa Galbeedka London , Xubnaha Ururka Gaf Woman Group Iyo Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Mudooyinki U Danbeyay Ku Sugna Dalkan Ingiriiska Waxay Iska Xog Wareeystay Xaaladda Guud Somaliland Gaar Ahaan Xaalada Uu Waqti Xaadirkan Ku Sugan Yahay Gobolka Togdheer Oo Haweenkani Mashariic Hore Uga Fuliyeen Iyo Weliba Qorshaynta Mashariic Cusub Oo Haweenkaasi Ku Talo Jiraan Inay Waqti Xaadirkan Ka Bilaabaan Degaanadoda Iyadoo Baahiyaha Lagu Salaynayo Baahiyaha Degaanadaasi Ka Jira . Waxa Iyana La Isla Soo Hadal Qaadey Sidii Haween Weynaha Reer Togdheer Eek U Dhaqan Gobolada Ingiiriska Ay Uga Qayb Qaadan Lahayeen Horumarka Gobolkii Togdheer . Ugu Danbayntiina Xildhibaan Mubaarik Bidhe Ayaa Ugu Mahad-Celinayaa Haweenka Ururka Gaf Woman Group Sida Meqaamkeedu Sareeyo Ee Ay Usoo Dhoweyeen Mr Bidhe . “ Casho Sharafta Aad Isamayseen Iyo Sida Sharafta Leh Ee Aad Ii Maamusteen Waxaan U Arkaa Ixtiraam ,Sharaf Iyo Qadarin Aad I Haysaan Iyo Jacaylka Weyn Aad U Qabtaan Gobolkii Togdheer “ Ayuu Yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhe Oo Haweenka Ururka Gaf U Mahadcelinayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here