Wasiir Maxamed Kaahin Qaranka Somaliland Dhiigiisa Ayuu u Shubay, Gudoomiye Cirrona Duminta Qaranka Ayuu Ku Mashquulsan yahay.

0
373
Wasiir Maxamed Kaahin Qaranka Somaliland Dhiigiisa Ayuu u Shubay, Gudoomiye Cirrona Duminta Qaranka Ayuu Ku Mashquulsan yahay.

Sida aan wada ognahay maalintii salaasada waxaa shir jaraa’id qabtay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo eedaymo culus u soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somailand, Maxamed Kaahin Axmed iyo guud ahaanba xukuumadda talada haysa. Waxaa uu Cirro ku eedeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, in uu qori dable la wareegayo oo uu abuurayo nabadgelyo darrada timaada. Hadaba waxaa muuqata in guddoomiye Cirro, iska indha tirayo xaqiiqda jirta iyo taariikhda Wasiir Maxamed Kaahin ku dhex leeyahay bulshada Somaliland iyo guud
ahaanba madaqada.
Waxaa la wada ogyahay in wasiir Maxamed Kaahin, yahay shaqsiga ugu magaca wayn ragii u soo halgamay garanka ee naftooda u soo huray, halka guddoomiye Cirro uu hoos fadhiyey taliskii Siyaad Barre ee shacabka reer somaliland xasuuqayey, iyada oo Cirro uu ahaa safiir ama wakil firfircoon ooku
faraxsanaa dhibaatadii lagu yahay shacabka reer somaliland.
Wasiir Maxamed Kaahin waxaa uu qarankan u halgameyey 30-kii sano ee la soo dhaafay, markii lagu guulaystey dib-u-xorayntii dalka, wasiir Maxamed Kaahin waxaa uu door aan la iloobi Karin ka soo qaatay dib-u heshiisiintii shacabka somaliland, dib-u-dhiskii dalka iyo hirgelinta nidaamka dowladnimo,
halka guddoomiye Cirro waqtaas uu bixinayey ama iibinayey passaborkii Soomaliya, si uu dhaqaale uga helo.
Ma jirto cid ku murmi karta aan Cirro ahayn in Wasiir Maxamed Kaahin yahay nin nabadeed, muhaajid qarankan dhiigiisa u shubay, nin ay ku wayntahay qaranimada iyo jiritaanka somaliland, shaqsi hadh iyo habeen u taagan ka shaqaynta isu soo dhowaynta bulshada iyo xoojinta nabad-gelyada dalka, shaqsi aan weligii lagu xaman dano u gaar ah, balse waa shaqsi u taagan danta guud in ay guulaysto. Hadaba iyada oo la wada ogyahay taariikhda faca wayn ee Wasiir Maxamed Kaahin, ayuu gudoomiye Cirro oo aan somaliland waxba ku darsan wax uu yeelo mooyaane, uu maanta leeyahay Wasiir Maxamed Kaahin baa qaranka xumaynaya oo nabad-gelyo darro wada, runtii waa mid Ayaan darro ah, waxaa muuqata in guddoomiye Cirro uu dafirayo halgankii qarankan loo soo galay, isna uu doonayo in uu
taariikhdiisa madaw uu ku qariyo hadaladan aan qiimaha iyo milgaha toona aan lahayn ee uu faafinayo. Waxaa la wada ogyahay hoggaan xumada Cirro iyo xisbigiisa waa shaqsiga ilaa hada ku qancin kari la’ taageerayaashiisa, in uu ku fashilmay doorashadii dalka ka dhacday, welina waxaa uu been ugu
sheekaynayaa taageerayaashiisa oo uu leeyahay doorashadii la ina kama guulaysan, waxaa muuqata in uu lumiyey kalsoonidii dadkii taageeranaa, go’aan la’aanta Cirro waa ta keentay in uu awoodo kari waayo isaga iyo xisbigiisu ka qayb galka doorashada baarlamaanka ee muddo dhaaftay, isaga oo loo
xaniban yahay muddo kow laba sanno.
Waxaa muuqata oo cad in aanu Cirro dank a lahayn jiritaanka qaranka, balse uu ka jecel yahay in lagu kala tago Somaliland, waxaana si cad in Cirro aanu mustaqbal ka rabin somaliland, lakin uu u joogo hagardaamo qaran oo keli ah. Guddoomiye Cirro malaha qaab muraacardnimo oo sax, mana laha lexejelo dal, keli ah hadafkiisu waa in
ay Somaliland fashilanto, taasna waxaa markhaati ka ah hab-dhaqankiisa siyaasadeed iyo hoggaamineed
oo aan lahayn wax jaho ah, balse ku dhisan qaab qabiil oo kale ah.
Cabdilaahi Axmed Ismacil
Email: baxarasaaf40@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here