Muxuu Sameeyay Trump Intii Ay Socotay Codeynta Congress-ka?

0
360

Kadib maalmo juuq la’aan ah, ayuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump mar kaliya burqaday ka dib markii Aqalka Congress-ka uu u fariistay kala noqoshada codka kalsoonida isaga loo hayo.

Si la mid ah sida dadka ay codeynta iyo khudbadaha xildhibaanada ugala socdeen idaacadaha la’iska arko, ayay sidoo kale isha ugu hayeen degelka Twitter-ka Trump oo si isdaba joog ah wax loosoo galinayay.

Wax ka badan 60 jeer ayuu Trump wax soo galiyay boggiisa, taas oo ah arrin qeyrul-caadi ah.

Dhammaan qoraallada isaga uu qoray iyo kuwa ay dadka kale qoreen ee uu sii faafinayay ayaa waxaa looga hadlayay mooshinka Congress-ka, islamar ahaantaasna looga soo horjeedo.

Haddii qof uun dareenkiisa iyo waxa maankiisa ka guuxayo laga dareemi karo meel fog, kaas waa Donald Trump, wuxuuna si dhab ah u muujiyay illaa heerka uu kasoo horjeedo codka Congress-ka, isaga oo ku tilmaamay arrin sharci darro ah.

Welwelka Trump

.

Saacado ka hor inta aanan codbixinta loo fariisan, ayuu qoraal uu soo dhigay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu innaba ka welwelsanayn codka loo qaadayo.

Balse taasi waxa ay isbaddashay markii codeynta loo fariistay.

Mid ka mid ah qoraalada uu soo dhigay ayaa sidan u dhignaa, wuxuuna dadka ka codsaday in ay u soo duceeyaan.

“Ma aamini kartaa maanta waxaa raba in ay xilka iga qaadaan kuwa xagjirka ah ee bidixda u janjeera, wax-ma-tareyaasha Dimoqoraadiyadda. WAX AAN HALlEEYAY MA JIRTO! Waa wax aad u khaldan. Akhri qoraalada. Tan ma ahan in ay ku dhacdo madaxweyne kale. Iisoo DUCEEYA!”.

Trump iyo Shacabka

Inkasta oo arrintan aad loogu kala qeybsan yahay, haddana Trump ayaa marka qoraaladiisa la eego u muuqda in uu shacabka ka raadinayo beerlaxawsi, wuxuuna dadka tusayaa in xisbiga dimoqoraaddiga ay yihiin cadowga dadka.

Mid ka mid ah qoraaladiisa ayuuna arrintaas ku caddeeyay, isagoo yiri “Xaqiiqda waxay tahay, aniga ima dabo socdaan, ee idinka ayay idiin socdaan, kaliya aniga ayaa idinku gudban”.

Codeynta kadib wuu aamusay

Tan iyo intii ay dhacday codeynta, Aqalka uu kala laabtay codka kalsoonida, Trump juuqdiisa lama hayo.

Ma jiro wax qoraal ah oo uu soo dhigay, balse waa hadal haynta ugu weyn ee warbaahinta Maraykanka iyo adduunkaba.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay waxaa la daabacay ilaa 8 saac ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here