Idaacada Radio Hargeisa Oo Mudo 4 Cisho Ah Laga Dhegaysan Qaybo Kamida Gobolada Dalka+Sababta

0
449

Idaacada Radio Hargeis Oo Mudo 4 Cisho Ah Laga Dhegaysan Qaybo Kamida Gobolada Dalka+Sababta

Idaacadii FMTA Ee Radio Hargeisa Oo Kamida Tiirarka Ugu Muhiimsan Warbaahinta Qaranka Ayaa Hawada Ka Maqan Mudo Ka Badan 4 Cisho,
Idaacada FMta Ee Radio Hargeisa Oo Wararka Iyo Barnaamijyada Dawlada Gaadhsiin Jirtay, Gobolada Dalka Ayaa Hada Isugu Ururtay Magaalada Hargeisa Iyo Agagaarkeeda,Halka Gobolada Waaweyn Ee Dalku Aanay Helin Baahintii Idaacada Mudo Dhan 4 Cisho
Radio Hargeisa Waxay Ahayd Isha Keliya Ee Xogta Laga Baahiyo Gaadho Miyi Iyo Magaalo Iyadoona Hal-bawle U Ahayd Is Gaadhsiinta Dalka,Waxaanay Bulshada Somaliland Kala Socon Jireen Xaalada Dalka. Gaar Ahaan Dadka Kunool Goobaha Ka Baxsan Gobolada Waaweyn,
Ilaayo Hada Xukuumada Somaliland Kamay Hadal Sababta Keentay Inay Idaacada FM Ay Hawada Kabaxdo,Iyo Cilada Soo Wajahday,
Wasaarada Warfaafinta Oo Kamida Wasaaradaha Ugu Dakhliga Badan Laamaha Dawlada,Somaliland Ayaan Weli Xal U Helin Cilada Kusoo Noq-noqotay Radio Hargeisa Mana Ahaa Markii Kowaad Ee Ciladani Ku Timaado Idaacada,
Sidoo Kale Barnaamij Ay Dhowaan Xukuumadu Baahisay Oo Loogu Magac Daray Waxqabadkii Dawlada Ayaa Siweyn Loogu Qaada Dhigay Horumar La Sheegay In Laga Hirgeliyey Wasaarada Warfaafinta Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here