Wiil Shaqada Looga Eryay Taageerida Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi.

0
362

Wiil Shaqada Looga Eryay Taageerida Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wiil shaqaalaha madaarka Hargeysa ka mid ahaa oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa maamulka Madaarka Hargeysa shaqada ka eryeen kadib markii uu bartiisa Facebook ku faafiyay waxyaabo uu ku taageersan yahay musharraxnimada Maxamuud Xaashi.

Inkasta oo aanu Guuleed faahfaahin bixin waxa laga soo xigtay in loo keenay warqadda shaqo saaridda oo ay ku xusan tahay in shaqada looga eryay taageeridda Maxamuud Xaashi.

 

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo dhawaan guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe sheegay in ay soo saareen wareegto shaqaalaha dawladda lagaga mamnuucayo in ay cidnaba taageero u muujiyaan ama ka hadlaan arrimaha siyaasadda waliba marka ay baraha bulshada isticmaalayaan.

 

 

https://www.facebook.com/gullied.ismacil?fref=nf

Qoraalkan Hoose waxa qoray Wariye Maxamed Cabdi Ilig

“Guleed Maxamed Ismaciil waxa shaqada lagaga joojiyay waxaad tageersan tahay Maxamuud Xaashi Wasiirkii hore Madaxtooyada.

 

Imisa Agaasime, shaqaale dawladeed, xoghaymo, Wasiiro iyo Sarakiil kale ayaa wakhtigiisii Tageersana Madaxwayne Biixi markii uu xaaladan oo kale ku jiray.

Imisa shaqaale dawladeed ah ayaa malinkasta Xisbiyada Mucaaradka ah Caaya, miyaanay shaqaale rayida ahayn, sidoo kale miyaanay xisbiyo qaran ahayn kuwa la cayaya.

Imisa dhalinyara oo shaqaalaha Dawlada ah ayaa malinkasta u ololeeya Wasiirka Arrimaha Guddaha Kaahin, miyaanay cadaalad daro ahayn in kuwaasina shaqada lagu ilaaliyo.

Somaliland Cadaalada ka jirta waxa lagu saleeya inaad qofka Necebtahay iyo Inaad Jeceshahay lakiin meeday Cadaaladii xeerku qoray, Guleed Cadaalad iyo wax kasareeya shaqadiisa ayuu heli doona Insha Allaah balse waa Taariikh u qoran Xukuumada Biixi iyo Kaahin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here