Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka hadashay Caws laga Keennay dalka Cummaan

0
346
Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland iyo Hay’adda dhawrista tayadda ayaa sheegay inaanay wax-ba ka jirin wararka sheegaaya innuu Summaysan yahay Caws dhawaan dalka la keennay, kaasoo uu Xisbiga WADDANI sheegay in lagu dabar-jarraayo Xoolaha Somaliland.
Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayadda Somaliland iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland oo si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Hargaysa ayaa caddeeyay in cawskaasi oo laga keenay dalka Cumaan uu yahay mid la dalbaday sanad ka hor.
Waxaanay cawskaasi ku sheegeen inuu ahaa mid loogu tallo-galay in loo qaybiyo gobollada Daad-madheedh iyo Selel, isla markaana loo qaybinaayay 300 oo qoys oo keliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Yurub Abiib Cabdi ayaa sheegtay in buushigaasi aanu ahayn mid la doonnaayo in lagu dabar-gooyo Xoolaha Somaliland, hase-yeeshee uu yahay mid Xilli roobaadkii ka hor la dalbadday.
“Cawskani waxaa la dalbaday, ka hor intii aanay barwaaqadu dhicin, ee ay abaaruhu jireen, oo aanu ogolaanay. Marka labaad waxa cawskani loogu tallo-galay in Xoolaha la siiyo xiligii ay roobabku da’ayeen ee jirka lagu jiray.
3000 oo qoys ayay ahaayeen dadka reer Somaliland oo dhan ma ahayn, waxay ahayd goboladda Selel iyo gobolka Daad-madheedh, ayay 3000 ee qoys kala degan yihiin”. Siddaas ayay tidhi Wasiir ku-xigeenka Xannaanadda Xoolaha Somaliland. Waxa kaloo ay sheegtay wasiir ku-xigeenku in cawskaasi ay baadhitaan ku sameeyeen dhakhaatiir ka tirsan wasaaradu inaanu cawskaasi sun ahayn, isla markaana uu yahay mid ay cuni karaan Xooluhu.
Geesta kale, Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa isna tilmaamay in cawskaasi qayb ka mid ahayd markii hore la qaybiyay, halka qayb kale-na ay hakiyeen. “Cawskaasi qaybna waa la qaybiyay, qaybna waa la hakiyay. baadhitaan ayaanu ku samaynay, wasaaradda beeraha dalka Jordan oo ay ka timid. Waxa kaloo aanu la xidhiidhnay rugta ganacsiga ee dalka Jordan.
Waa caws ay Xooluhu cuni karaan, oo Borotiin aad iyo aad u wanaagsan leh. aanu ahayn sida wararka laga faafiyay lagu sheegay. Waanan ogolaanay in la qaybiyo, waana la qaybinayaa”. Ayuu yidhi guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here