Waxay labada dhinac kulankan ku gorfeeyen sidii ay u yeelan lahaayen xidhiidh qoto dheer, waxaanu Wasiirku warbixin ka siiyey xaalada guud ee Dalka gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxanay waftigan ka socda Talafayshinka Finland sheegen in ay Wasaaradda kala shaqaynayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayen adeega uu Wasaaradda siiyo Xafiiska Xidhiidhka (Commmunication Office ) ku una qalabayn lahaayen, dhanka kale waxay sheegen in ay gacan ka gaysan doonan Wadooyinka Caasimada Hargaysa sidii loogu samayn lahaa calaamadihii hagaysaasha Gaadiidka.
Ugudanbayntii Wasiirku waxa uu u mahad celiyey Waftigaas ka socda Talafffayshinka Qaranka Finland, waxaanu soo dhaweeyay kaalmada ay sheegen, Waftiga ayaa iyaguna u mahad celiyey Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee shirka kala qaybgashay, kulanka aya waxa uu ku soo idlaaday is-afgarad.