Yuusuf Maxamed Cariish (Arts), oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa sharcidarro ku tilmaamay qaabkii uu u hadlay guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.
Yusuf Arts, ayaa sheegay in aanu jirin qodob sharci oo siyaasiga Maxamuud Xaashi, u diidaya in uu isu soo sharxo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in Axmed Cabdi Dheere, ku hadlay aragtidiisa balse aanu ku hadalka afka xisbiga Kulmiye.