Hirdanka KULMIYE Oo Laga Cabsi Qabo Inay Kala Dhaqaaqan Siyaasiyiin Garab Iyo Gaashan Isu-Ahaa Mudo Dheer Iyo Iyo Siyaasi Maxamud Xaashi Oo Guntiga U Xidhay Guul Iyo Guul Daraba

0
350

Hogaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Ayaa Qorshaynaaya Talaabo Ay Kaga Hortagayaan Hirdanka Cusub Ee Ka Bilaamay Xisbiga Facaweyn Ee KULMIYE,

Todobaadkii Hore Ayey Ahayd Markii Madaxweynaha Somaliland Isugu Yeedhay Xubnaha Gudida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE, Waxaanu Madaxweynuhu Kala Hadlay Sidii Loo Yarayn Lahaa Khilaaf Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dhex Qarxo Xisbigaasi Maadama Oo Uu Soo Dhow Yahay Shirweynihii Xisbigaasi
Xubnaha Gudida Fulinta Waxay Isla Soo Qaaden In La Yareeyo Tirada Murashaxiinta Tartamaysa Si Looga Dheeraado Khilaaf Wiiqa Awooda Iyo Saamaynta Xisbiga KULMIYE,
Ilo Wareedyo Si Dhow Ula Socdey Shirkaasi Ayaa Tibaaxay In Madaxweynaha Iyo Wasiirka Arimaha Guduha Somaliland Badka Soo Dhigeen Qorshe Ay Doonayeen In Dib Loogu Dhigo Shirweynaha,
Balse Arinkaasi Waxaa Kasoo Hor Jeestay Xubno Kamida Gudida Fulinta Xisbiga KULMIYE,Waxaanay Madaxweynaha Ku Adkeeyeen In Shirka La Qabto Wakhtigiisi,Taas Oo Muran Ka Dhex Dhalisay Xubnaha Shirka Fadhiyey
Wasiir Maxamed Kaahin Ayaa Sas Ka Qaaday Xubno Miisaan Ku Leh Xisbiga KULMIYE Isla Markaana Ku Jirey Gudida Fulinta.Kuwaas Oo Taageersan EX Wasiir Xaashi,Waxaanay Xubnahaasi Madaxweynaha Hortiisa Ka Cadeeyey Inaanay Aqbalayn In Madaxweyne Muuse Dhabar Taabto Cid Gaara,
Waiirxaana Muuqatay Inay Wiiqmatay Awoodii Iyo Taageeradii Maxamed Kaahin Ku Lahaa Xisbiga KULMIYE,Halka Madaxweynaha Somaliland Oo Ah Gudoomiyaha Xisbigu Isna Quud Daraynaayo Inuu Marlabaad Isu Sharaxo Hogaanka Xisbiga KULMIYE.
Dhanka Kale Waraysi Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Siiyey Televisionka HCTV, Wuxuu Ka Dhaxlay Sumcad Iyo Taageero Xoogan.Waxaanu Muujiyey Inuu Yahay Nin Tashaday Isla Markaana Diyaar U Ah Guul Iyo Guul Daraba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here