Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.
Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi.
Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan:-
1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur Guddoomiye.
2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
3.Shiikh Daahir Aw Cabdi Xubin
4.Shiikh Maxamed Macalin AxmedXubin
5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir Xubin
6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi CabdalleXoghayn.
=DHAMMAAD=