Gabadhan oo 23 sano jir oo la sheegay in la kufsaday ayaa haatan waxaa qiil-qiil ku jira nolosheeda ka dib markii dab la qabad siiyay iyadoo ku siii jeedda maxkamad kiiskeeda lagu dheegeysanayay oo ku taalla waqooyiga dalkaasi Hindiya.
Haweeneyda ayaa kiiskan oo ay ahayd in la dhageyto maanta ayaa waxa ay maxkamadda gobolka Uttar Pradesh geeysay bishii Maarso iyadoo sheegtay iney labo nin kufsi kula kaceen.
Haataan waxay ku sugan tahay isbitaalka iyadoo ay xaaladdeedu aad u liidato, waxaana laga sheegayaa inuu jirkeeda uu ka muuqdo gubasho aad u daran.
Shan nin oo ay ka mid yihiin labadii nin ee ay maxkamadda ka dacweysay ayaa xabsiga loo taxaabay kuwaasi oo looga shakiyay iney gabadhu gubeen, sida ay sheegeen booliska.
Gabadha ayaa markii la gubayey waxay ku socotay xarunta tareenka ka hor inta aysan koox rag ay u jiidanin goob aan sidaa uga fogeyn xarunta tareenka sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.
Dhakhaatiirta daweyneysa ee ka howlgala isbitaalka Lucknow ayaa sheegtay in boqolkiiba sagaashan jirkeeda uu gubtay, sidaa darteedna goordhow ambalaas lagu geyn doono magaala madaxda dalka ee Delhi si ay daweyn wanaagsan u hesho.
Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacaday degmada Unnao, halkaasi oo uu goor dhow ka dhacay kufsi kale. Booliska ayaa furay kiis ka dhan ah xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya bishii July ka dib markii ay haweeney ku soo eedeeyay inuu kufsaday taasi oo dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo ula kac ah gaari loogu dhutay gaarigii ay saarnaayeen.
Waxaa la dilay labo eeddayaasheed ah, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray qareenkii iyada u doodayay.
Dhacdadaan ugu dambeeysay ayaa waxay sababtay caro ballaaran iyadoo weli ay dadku maskaxdooda ka dhex guuxeyso kiiskii kufsiga iyo dilka ee toddobaad ka hor ka dhacay dalkaasi.
Ugu yaraan boqol kiis oo kufsi ah ayaa maalin walbo la soo gudbiyaa dalkaasi Hindiya sida lagu sheegay tirakoobkii dambiyada ee ugu dambeeyay.