Wakaalada Biyaha BURCO Oo Kordhisay Qiimaha Biyaha Iyo Shacabka Oo Walaac Xoogan Ka Qaba Lacagta Faraha Badan Ee Ay Kusoo Rogeen Maamulka Cusub Ee Wakaalada Biyaha BURCO

0
447
Wakaalada Biyaha BURCO Oo Kordhisay Qiimaha Biyaha Iyo Shacabka Oo Walaac Xoogan Ka Qaba Lacagta Faraha Badan Ee Ay Kusoo Rogeen Maamulka Cusub Ee Wakaalada Biyaha BURCO.

 

Markaad maqasho magalada burco waxa mas gaxdada ku soo dhacaaya inay hodan ku tahay biyaha waana gobolka ugu badan ee biyo macan laga helo togdheer .

 

Wakalada biyaha burco ayaa iyadu u qaabilsan dhanka soo saarka iyo waliba haqab tirka biyaha waxayna bulshada burco u daba fadhiistaan dhanka biyaha wakalada biyaha burco oo uu hada mareeeye ka yahay cabdixakiin maxamed oo hada mamula wakaladaasi waxan iska soo daba dhacayey mudooyinkii u danbeeyey cabashooyin warbaahinta soo gaadhayey taas oo ku aadan habka loo mamulayo biyaha burco iyo waliba dhanka dhaqalaha oo lagu kordhiyey bulshada mid qaadi kara iyo mid aaan qaadi karinba .

 

Hore waxay wakaladu u qaadi jirtay halkii meter cup 8000 oo Somaliland shilin ah halka iminkana uu yahay 11000 slnd shilling .

 

Wakalada biyaha burco ayaa iyadu mamusha lacagta ama dakhliga soo gala wakaladaasi waxana sexeexa leh hadba mareyaha jooga iyo waliba kuxigeenkiisa .

 

Bishiiba waxa soo gala lacag ku dhaw 2 bilion ilaa 3 bilion oo slnd shiilig ah oo ay mamusho wakaladu oo aan wali lays waydiin halka ay marto iyo waliba sida ay ku baxdo .

Sidoo kale shaqalaha ka shaqeeya ayaa gaadhaya 230 qof .

Marka aad eegto shaqalaha ka shaqeeya iyo waliba dakhliga soo gala iyo waliba dakhliga ku bixi karaya ayaa ah kaaf iyo kala dheeri .

 

Waxa kale oo jira $ 250 000 kun oo dolller oo ay ka qaateen dawlada dhexe baankuna u fududeeyey intii uu haystay mamulkan cusub .

Hadaba bulshada burco ayaa sanadkan lagu kordhiyey lacag gaadhaysa 5 milion oo slnd shilig ah walina aan la cadayn sida loo mamulayo iyo waliba halka ay ku baxayso .

Sikastaba ha ahatee bulshada burco ayaa ka war sugaysa wasiirka cusub ee dhawaaan madaxwaynaha Somaliland uu u magacaabay wasarada biyaha Somaliland maxamed muuse diiriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here