“”Boqorka Sacuudiga Oo Amiirka Qadar Ku Casuumay Shir Toddobaadka Soo Socda Ka Dhacaya Riyadh”

0
377

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka Qatar
Sheekh Tamiim Bin Hamad Al­Thani Shir todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, xilli xiisad
diblomaasiyadeed oo laba sano jirsatay ay u dhaxeyso dalalka Khaliijka.
Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka kooban lix dal ayaa todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, kuna beegan 10­ka bisha December. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay martiqaadka soo gaadhay Amiirka, waxaana qoraal boggeeda Internetka lagu soo daabacay ku sheegtay in Amiirka Sheekh Tamim Bin Hamad Al­Thani ay soo gaadhay dhambaal farriin ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga inuu ka soo qeyb­galo fadhiga 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka. Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn oo ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dalka Masar ayaa xidhiidhka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, waxaana ay ka xidheen xuduuda ay la wadaageen, ee Badda Barriga iyo Cirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here