faahfaahin ay ka bixiyeen hay’adda NISA kaa ay kusoo daabaceyn Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ruux isku dayey inuu fuliyo weerar Bam gacmeed ah.
Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ruuxaan oo ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen isaga oo aan geysan wax khasaare ah.
“Ciidamada Amniga, ayaa xalay gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka xalay ka soo baxay hey’adda nabad sugidda.
NISA ayaa sidoo kale bogeeda ku soo ban dhigtay sawirka ruuxaas iyo Bam gacmeedkii uu watay, mana shaacin magacaciisa