Xasaasi: Soomaaliya Oo Heshiis 26 Milyan Ah La Gashay Shirkad Soo Saarta Gaadiidka Dagaalka Oo Casri Ah

0
387

Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda sameysa Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee Navistar ayaa kala saxiixday heshiis ay shirkadaasi ku sameyneyso Gaadiidka Ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shaacisay 25-kii Bishan November in heshiiska ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ah qiimo go’an la siiyay sharikadda Navistar, islamarkaana soo saareyso gaadiidka kala ah; 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck, iyo qalabkooda dayactirka ayaa lagu sheegay in sanadka 2022 Gaadiidkaas lagu wareejinayo Soomaaliya

 

Gaadiidka ay sameyso sharkaddan ee 7000-MV, ayaa ah kuwa xamuulka dhulka ee ay adeegsadaan Ciidamada kala duwan.

Midkiiba waxaa uu qaadayaa culeys gaadhaya 5 Tan,waxaa uu leeyahay qol keydka Hubka ah oo ay Ciidamada dhigtaan waxaa sidoo kale markiiba raaci kara 20 Askari.

 

Noocyada gaadiidkan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah kuwo qaadi kara culeyska 13 Tan iyo Askar,waxaa kale oo uu xitaa qaadi karaa Kunteennarada Ciidamada sahayda ku qaataan.

 

Gaadiidkan qaarkii ayaa waxaa uu la tacaali karaa Miinooyinka,waxaa kale oo uu leeyahay goob ay geli karaan ilaa saddex Nin marka ay qaraxyada waxyeello ka soo gaadho.

 

Nooca Wrecker-ka ayaa waxaa uu awood u leeyahay in uu iska difaaco gantaallada, Miinooyinka Dhulka, qaraxyada lagu
dhejiyo iyo wixii la mid ah,iyada oo dadka gudahiisa ku jirana ay heli karaan difaac gudaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here