Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wada-hadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood.
Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.
Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.