Shacabka Gobolka Kashmiir Oo Ka Cadhooday Hadal Ka Soo Yeedhay Diblumaasi U Dhashay Dalka Hindiya

0
354

Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Hindiya ayaa ku baaqay in maamulka Delhi uu la jaanqaado
hanaanka Israa’iil deegaameynta kaga wado dhulka Falastiin. Muuqaal socday in ka badan hal saac oo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa qunsulka Hindiya ee magaalada NewYork Mr Sandeep Chakravorty, wuxuu ku baaqay in dowlada ay dib u dajin uga sameyso shacabka Hinduuga gobolka Kashmiir.
Isaga oo la hadlayay koox Hinduu ah oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in xaalada amni ee
gobolka Kashmiir ay kaliya ku soo hagaagi karto arintaan. Arintaan ayaa waxaa ka cadhooday shacabka muslimiinta ee gobolka Kashmiir, oo afartii bilood ee la soo dhaafay
uu saaran yahay bandow. Mr Chakravorty ayaa yidhi ma ogi sababta aan u raaci la’nahay wadada Israa’iil haddii shacabkooda si nabad ah ugu nool yihiin anagana waan awoodnaa si la mid ah in aan sameyno ayuu yidhi. Hindiya ayaa kumanaan Askari bishii Agoosto u dirtay gobolka Kashmiir iyadoo wacad ku martay in ay la dagaalami doonto waxa ay ugu yeedhay kooxaha Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here