Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan.
Carabtan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaadhsanayaan.
Warkan waxa xaqiijiyay agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Naasir Xuseen.
Xubnahan ayaa kasoo muuqday muuqaalo baraha bulshada lawareejinayay yagoo ku dheel dheelaya duurjoog ay soo dabteen.
Xigasho: Hassan Galaydh