BUURMADOW IYO BEESHA HABARJECLO.

0
366

Siduu boqorku ku dooday ma yahay nin u taagan danaha beesha H.j? Ma taageeraa siyaasiyiinteeda xilliga adag siduu ku doodayo boqorku? Ma se yahay boqor habarjeclo?
Jawaabaha su’aalaha sare aan iftiimiyo eh
1. boqorku wuxuu ahaa ninka kaliya ee madax dhaqameed ah ee diidanaa taladii iyo tawfiiqdii kaliya ahayd ee beeshu isugu timid garadag iyadoo shirku u furmi waayay mudo laba week ah carqaladiisa isaga iyo laba oday oo kale .markii shirka laga saareyna waa kii koofiyadaha raray ee caynaba shir la moodka ku qabsaday.
2. Boqorku wuxuu ahaa ninka kaliya ee Kursiga salebaan maxamud aadan loo soo direy(xilligii UDUB) iyadoo xitaa siilaanyo oo mucaarad ah welibana saleebaan xurguf siyaasadeed ka dhaxaysay ka xishooday inuu maanta ka faaiideysto taana boqorku kuma guuleysan. muu saleban u hiiliyo intuu riyo raac kusoo gabanayo.
3. Boqorku wuxuu ahaa badiba mucaarad mar walba kasoo horjeeda xukuumadii axmad oo cay iyo aflagaado qaawan isticmaali jiray.
4. Shirkii beesha qorilugud wuxuu maxamad kaahin madashii kaga yidhi isagoo ku tiiqtiiqsanaya ” Maxamedoow ma kuwii shalay ku toogtay ayaad noo wadaa? hiil may ahayn ee hagardaamayn bay ahayd salaadiintii kale ayaa ka xumaaday.

Waayahay haddaba goormuu buurmadow taageeray danaha beesha ama isgarab taagay siyaasiyiibteeda ? Ma ina xaashi buu dee hoos wax ula wadaa ? Mooji wallee se waanu saacidin haddaan dantiisu galin.
Boqorku haddaba yuu metelaa wuxuu metalaa beesha boho faarax , arimaheedana dhowr jeer ayaa loogu tagay. Waana ka mid madax dhaqameedka beesha habarjeclo ee yaanu dhaafin mansabkiisa iyo madashiisa, haddii kale waa taladii dhaqanka oo la maroorsaday siyaasadna looma diran.

Fiiro gaar ah: boqorka waxaan xasuusinayay uun inaan looga baran taageerada siyaasiinta beeshiisa iyo u dabranaanta danaha beesha ee yaanu islaawin inadeerkay markay dantiisu u muuqato.intaa aan sheegay haddaanay jirin waa xaal gole joog ah !

 

AFEEF:

Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here