Cuntadu dhibaato ma keento.
Laakiin runtu maaha in wax kasta la cuni karo iyada oo aan laga taxadarin oo aan si fiiro leh loo dooran, karin ama aan loo diyaarin, sida in laga saro sunta ama qaybaha aan la cuni karin.
Talaabooyiinkaa la aantood cuntadu qof kasta oo cunaa wuu ku bukoon karaa calaamaduhuna waxay u dhexeeyaan yalaalugo, dawakhaad iyo xataa geeri.
Xaaladaha liita ama kuwa sida xun loo kariyo waxay keeni karaan calaamadaha yalaalugada, naqaska oo qofka ku dhega dawakhaad iyo xataa waa lagu dhiman karaa.
Cuntooyiinkan shanta ah waa kuwa aad u baahantahay in aad si gaara uga taxadirto markaad cunayso. Run ahaantii hadii aanad hubin arrimahan hoos ku xusan waxa fiican in aad gabigooda ba iska ilaalisid.
1. Kalluunka xeydha leh
Kalluunkan loo garanayo Puffer fish waa dilaa.
Waxa ku jira tetrodotoxin oo ah walax sun ah oo laga baqo sida degdegga ah ee ay ku fiddo iyo saamaynteeda waxaana la qabaa in ay xataa ka halis badan tahay maadada cyanide.
Hase yeesee halistaa oo jirta ayaa hadana kaluunkan yahay cuntooyinka ugu qaalisan wadamada qaar.
Japan, fugu (waa magaca cuntada laga sameeyo kalluunkan) ayaa had iyo jeer qaydhiin lagu cunaa ama maraq baa lagu daraa.
Dadka cuntada kariya, tababar dheer oo dhawr sano ah ayaa la siiyaa inta aan loo fasaxin in ay kalluunkaa kariyaan oo dadka siiyaan.
Muhiimaddu waxa weeyi in inta aan dadka la siin laga saaro xubnaha suntan ah oo ay ka mid yihiin maskaxda, haragga, indhaha, ilmo galeenka, beerka iyo mindhicirka.
2. Farmaajada loo garanayo Casu Marzu
Cuntadan waxa haliska ka dhigay waxa weeyi dirxiga ku jira. Waa suurto gal in ay ku soo jiidato laakiin burcadka loo yaqaano Sardinia oo Talyaaniga laga keeno, dad badan baa ka hela.
Casu marzu waxa lagu daraa ugxanta dikhsiga oo lagu daray pecorino oo ah maado dhadhan iyo cuf la mid ah burcadka, u yeesha.
Muddo ka dib ayaa dirxiga yaryari jilciyaa cheesekan, ka dibna waa la cunaa, badhtankana aad buu uga qoyan yahay oo waa ka dareere.
Badanaa waxa la sheegaa in uu u dhadhamo sida suugada loo garanayo gorgonzola oo kale.
Casu marzu wuxu leeyahay dhadhan gaar ah oo adag sababtuna waxa weeyi ugxanta dikhsiga ee lagu daray.
Si aad u dhadhamiso waa in aad arimo ku darsataa xisaabta.
Marka koobaad waa in aad xejin kartaa dirxiga, sababta oo ah, wuxuu kor ugu bood boodaa qiyaastii 15cm marka la cunayo.
Ta labaad waa in aan badanaa la helin. Casu marzu kuma jiro liiska cuntooyinka Midowga Yurub ansixiyey, sidaa awgeedna lama dhoofin karo.
Ta saddexaad casu marzu badanaa waxa lagu sheegaa ”burcadka ka ugu halista badan dunida” maadaama uu caafimaadka halis geliyo.
Arintani waa run gaar ahaan hadii dirxiga ku jiraa bakhtiyo (hadii aanu ku bakhtiyin qabowga tallaagada la geliyey) taas oo macnaheedu yahay in uu ku qudhmay.
Haddii isagoo xumaaaday la cuno wuxuu keeni karaa calool xanuun, matag iyo shuban.
3. Dhirta loo yaqaano Rhubarb
Rhubarb waa khudaar aad loo yaqaan, tusaale ahaan cuntada Britain.
Macmacaanka Ingiriiska ee caanka ah badankooda aya lagu daraa.
Laakiin waa in aad si gaar ah oo taxadar leh u isticmaashaa Rhubarb. Maadaama caleemaha doogga ah ay sun leeyihiin.
Gaar ahaan maadada oxalic acid oo xaddi badan yalaalugo keeno, oo hoos u dhigo macdan la bixidda oo sidoo kalena keeni kara dhagax kelyaha fadhiista.
Oxali acid waxay sidoo kale ku jirtaa jiridda, laakiin waxay aad ugu badantahay caleemaha.
Inkasta oo aanad wax badan ka cunayn caleentaas ood ku dhiman karto, waxaa fiican in aad iska ilaaliso.
4. Digirta cas iyo soybeans
Badanaa waxa la isku waafaqsan yahay in digirtu tahay cunto u fiican caafimaadka laakiin waxa jira noocyada qaar oo hadii aan si hagaagsan loo diyaarin lagu xanuunsan karo.
Digirta cas iyo soybeans ee dhadhanka macaan, waxay ku jiraan qaybtan. Dhanka togan marka laga eego digirtaa waxa ku jira nooc duxda ka mid ah oo la yidhaa phytohaemagglutinin oo sidaa qoraalkeeda iyo akhrinteedu u adagyihiin uu dheef shiidkeeduna u adagyahay.
Hadii aad dooneyso in aad isku daydo ta dambe waa inaad u diyaar ahaataa calool xanuun iyo matag is barkan.
Warka fiicanse waxa weeyi in hadii aad loo kariyo digirta aad arintaa ka badbaadayso.
Sida digirta oo kale, soybeans waxaa ka buuxa borotiinno iyo maadooyin sunta dila.
Nasiib darrose, waxaa ku jira sun dabiici ah oo ah – dheecaanka trypsin – oo lagaga hortagi karo cuntada oo si fiican loo calaashado.
Labaduba waxay u baahanyihiin hab lagu nadiifiyo oo ah in biyo lala dhigo, 12 saacadood ka hor inta aan la karinin.
5. Miraha loo garanayo Nutmeg ee xawaashka laga sameeyo
Xawaashkan caanka ah waxaa laga soo guraa geed ka baxa Indonesia.
Waa maadada ugu muhiisan ee loo adeegsado samaynta buskudyada nooc ka mid ah iyo macmacanka kale.
Macmacaanka ka sokow waxa kale oo loo adeegsadaa xawaashkan in lagu daro baradhada, hilibka, suugada iyo khudaarta xataa sida cabitaannada qaarkood.
Hase yeeshee hadii xaddi badan laga cuno waxay keeni kartaa saamayn halis ah: yalaalugo, xanuun, naqaska oo qofka ku dhega iyo xataa suuxdin iyo sidoo kale cudurrada maanka ku dhaca.
Ku sumowga xawaashka, in loo dhintaa waa dhif laakiin maaha wax qofku xamili karo.
Hadaba muxuu qof ku dooran karaa inuu cuno xaddi badan oo xawaashkaas ah? Mirahan waxaa qarniyo loo adeegsan jiray daroogo ahaan.
Marka la eego saamayntan runtii ma fiicna in qofna isku biimeeyo waxyaabahan.