Nin Hubeysan Oo Xalay Lagu Dilay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho Iyo Faah Faahimaha Laga Haleyo.

0
451
Nin Hubeysan Oo Xalay Lagu Dilay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho Iyo Faah Faahimaha Laga Haleyo.Ciidamada Booliska dowlada Somalia ayaa xalay nin hubeysan ku toogtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow xaafada Sei-biano ka dib markii ciidamadu ka shakiyeen ninkan oo ku hubeysnaa bastoolad.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay amar ku siiyeen ninkan inuu joogsado bastooladana dhigo balse waa cararay isagoo isku dayay inuu baxsado taasoo keentay in ciidamadu ay toogtaan.

Meydka ninkan ayaa illaa xalay yaallay goobta lagu dilay, lamana aqoonsan illaa wakhti dambe qofka uu ahaa ama cida uu ka tirsanaa, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka oo lagu ogaanayo sababta uu bastoolada u watay iyo inuu ka tirsanaa kooxaha wax dila ee Al-shabaab iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here