Ardayda jaamacada Camuud dhigata waxay ka soo jeedaan dhamaan gobolada Soomaalidda, dhowaaqii jabhadda ee Ajanabigu
Jabhadani looma wada dhamayn, waxaana watay deegaanada uu ka soo jeeddo wasiirka Ganacsiga Saajin, wasiir Saajinta iyo xaafadooduna waxay isku diyaarinayan inay doorka dambe musharaxa madaxweyne ku xigeenka ka noqdaan xisbiga KULMIYE, maadaama labada xil ee ugu sareeya ugu dambasay wakhtigii Daahir Rayaale, maadaama oo ay kursiga sare ku socdaan inay woxooga siyaasad ku raadsadaan mooyee marna ma rabaan in cid kale ka xidhiidhido kursigaasi, sidaas darteed wasiir Saajin oo mudadii hawshu socotay geed dheer Iyo mid gaabanba u fuulay inuu damiyo dhowaaqaas kursigiisa luminaya hadda wuu ku guulaystay, waxaanay isku diyaarinayan in kursigaasi sare oo muddo 17 sanno ka maqnaayeen inay dib usoo ceshadaan oo aan laga ciideen.
Waxa iyadana istaagaysay horumarkii gobolka ka socday, waxaana dhowaan loo samaynayey wadadda dheer ee Jabuuti iyo Itoobiya isku xidhayey taas oo ah mashruuca ugu weyn ee ay waligoodba sugayeen reer Awdal, hadii rabshado yimaadaana waxa istaagaysay hamigii ahaa in gobolku isku filnaado iyo inuu gobolku illo dhaqaale kale raadsado, jabhaduna waxay meesha ka saaraysa dhaqaalaha usoo kordhaayey gobolka.
Afartaasi arimood ayaa sabab u ah in muddo gaaban lagu soo afjaro jabhadii si gobolka iyo xaafadda ay ka soo jeedaanba jabhaduba magac xumo uga raacin, waxaana hawshaasi dhameeyey waxgaradkii xaafadda oo iskugu jira kuwii masuuliyiintii xilalka ka hayey, madax dhaqameedkii iyo aqoonyahankii kale, kuwaas oo u arkayey sumcad daro xaafadoodda gooni u ah iyo siyaasad lagu waxyeelayey horumarkii dhaqan dhaqaale ee gobolka ka socday.
Barkhad-Ladiif Cumar
Hargaysa,Somaliland
AFEEF:
Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .