Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa Si Gaara Farta Ugu Fiiqay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi Oo Isaga Hore Khudbad Uu Jeediyey Ku Sheegay In Wadanka Jabhado Ka Bilaamayaan Gaar Ahaan Gobolka AWDAL,
Xildhibaanka Ayaa Sheegay In Murashax Maxamed Cali Ku Lug Leeyahay Jabhada Lagaga Dhawaaqay Gobolka Awdal,Waxaanay Hadaladii Xildhibaanku U Dhigna”
“Ninkii Ku Xigeenka WADDANI Ahaa Ee Ka Dhaartay Burco,Weliba Yidhi Jabhad Ayaanu Taagerayna Oo Weliba Hubaynayna Ayaa Ka Danbeeya Jabhadaas.Isaga Qiray Oo Yidhi Jabhad Ayaa Jirta Waana Jabhadaas La Magac Baxday Cawaale Ee Xalay Dhaaranayey”
Hadalkan Kasoo Yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ayaa Sii Xoojinaaya Tuhuno Hore Oo Laga Qabay Xisbiga WADDANI Inuu Ka Danbeeyo Jabhadaha Ka Dilaacay Gobolada ADWAL IYO SANAAG