“Waxaa Iisoo Dhacday Farriin Ay Soo Dirtay Saaxiibtay, Balse 8 bilood Kahor Ayey Dhimatay”

0
346

Farriin qoraaleedyo dhinaca telefoonka ah oo dad badan u dhacay habeenkii Arbacada ayaa jahwareer ku abuuray qaar ka mid ah shacabka Mareykanka.

Qoraalladan waxaa lasoo diray maalinta jacaylka ee loo yaqaanno Valentine’s Day, balse arrinta layaabka leh waxay tahay inay dadkii loo diray soo gaareen muddo 8 bilood ka dib ah.

Cilladdan ayaa saameysay dhammaan shirkadaha waaweyn ee adeegga isgaarsiinta telefoonnada ka bixiya dalka Mareykanka, iyadoo si isku mid ahna u gaartay telefoonnada noocyadooda Apple-ka iyo Android-ka labadaba. .

Syniverse, oo adeegga isgaarsiinta siisa shirkadaha waaweyn ayaa eedda dhacdadan dusha ka saartay cillad la xiriirta “adeegga keydka gudaha”.

Kumannaan macaamiil ah oo ku xiran shirkadaha T-Mobile, AT&T, Sprint iyo Verizon ayaa barahooda Twitter-ka ku shaaciyay dhibaatada ay kala kulmeen cilladdan farsamo ee jahwareerka dhalisay.

. 

Qaar ka mid ah dadka ayaa ka cabanayay farriimo xasaasi ah oo loo diray lamaaneyaashii ay horay xiriirka u wadaagi jireen balse ay kala tageen, halka kuwo kalena ay argagaxeen ka dib markii ay farriimo ka heleen saaxiibbo ama xubno ka tirsanaa qoysaskooda oo mar hore dhintay.

“Waxaa ii soo dhacday farriin ka timid lambarkii telefoonka ee saaxiibaddeydi aan ugu jeclaa, laakiin dhibka jira waa in ay geeriyootay bishii February”, sidaas waxaa Twitter-ka ku qoray qof ka mid ah macaamiisha.

Qof kale ayaa soo qoray: “Farriin iska caadi ah ayaa xalay saacaddu markii ay ahayd 3am iga soo gaartay aabahay xaggiisa, taasoo uu ku leeyahay ‘Waan ku jeclahay waana ku garab taaganahay mar walba’, balse wuxuu markii dambe ii sheegay inuusan mar dhow farriintaas ii soo dirin, goor ay ahaydna uusan xitaa xasuusanin”.

Qaar kale oo ka mid ah dadka ayaa iyaguna sheegay inay heleen farriimo uu wakhtigoodu dib ugu laabanayo ilaa 2 sano ka hor.

Bayaan ay shirkadda Syniverse soo dhigtay boggeeda internet-ka ayey raalligalin uga bixisay farriimaha khaldan ee kor u dhaafayay 200,000 isla markaana u dhacay macaamiil ay tiradoodu gaareyso ilaa 168,149 ruux.

Waxay sidoo kale xaqiijisay in ay xallisay cillada soo food saartay.

“Iyadoo cilladdii la xalliyay, waxaan hadda dib u eegis ku sameyneynaa habka uu u shaqeeyo qalabkeenna keydka gudaha, si aan u xaqiijinno in arrintanoo kale aysan mar dambe soo laabanin, waxaa kale oo aan si joogto ah ula shaqeyneynaa macaamiisheenna si aan uga jawaabno dhammaan su’aalaha ay qabaan”, ayuu yidhi William Hurley, oo ah afhayeen u hadlay shirkaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here