“Xildhibaan Maxamed Farax Qabile ka dayriyay xalada Nabadgalyada dalku marayo.

0
596

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska labada beelood ee Ceel-afweyn , waxaanu ugu yidhi “Nabadgalyada aynu ku faano waxaad mooda inay mugdi sii galayso, ee xil gudasho la’aanta ha laga dheerado, in nabada la adkeeyo, oo xoog la iska saaro ilaalinteeda ayaa loo baahan yahay, laakiin inay dadku baqaan oo wadnaha farta saaran looma baahna, waxaa kale oo loo baahan yahay in laga dheerado wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah, Xukuumadduna xil dheeraad ha iska saarto sugida nabadgalyada guud ee dalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here