Cusbitaalka Wayn Ee Magaalada Burco Waa Isha Caafimaad Ee Ay Haystaan Kumanaanka Qof Ee Gobolka Togdher, Balse Hoostiisa Waxaa Ku Gadaaman Tacadiyo Binu Adamnimada Ka Baxsan Oo Dadwaynuhu Anay Ku Baraarugsanayn.
Ma Goob Ganacsi Baa Mise Goob Dawladeed
Waxaa Hoostiisa Ka Furan Dukaamo Ama Farmasiiyo Lagu Iibiyo Daawooyinka Haayaduhu Bilaashka Ubixiyaan Ee Loogu Talo Galay Masaakiinta Danyarta In Lagu Samato Bixiyo .Bukaamada Waxaa Loo Kala Horaysiiya Sida Ay Ukala Lacag Badan Yihiin Waxaana Kii Jeebkiisu Madhan Yahay War Cad Loo Siiya La Noqo Bukaankaga Hadanad Bixinayn Lacagaha Dollarka Ah Ee Is Daba Jooga Ah
Dawlada Iyo Madaxda Haayadaha Waxaa La Tusa Weji Qurxoon Oo Dadnimo Leh Iyo In Dareen Ay La Qabaan Shacabkooda Balse Marka Kormeeradu Dhamaadan Waxa Lala Soo Baxaa Weji Naxariis Daro Iyo Dhiig Miirato Nimo Oo Lagu Muudsado Jeebabka Masaakiinta An Sadexda Wakhti Toos Uwada Helin
Shaqaale Noocee Ah Ayaa Jooga
Waxa Lasoo Ururiya Ardayda Hada Dhigata Cafimaadka Haday Tahay School, Privat Ama Jaamacad Iyaga Oo An Wax Tababar Sare Ah Haysan Ayaa Bukaanka Lagu Sii Dayaa Kabacdina Ay Bakhtiya Nasiib Uga Dhigaan Inay Daweeyaan. Lasoco Waxa Bakhtiyaa Nasiibka Galayaa Waa Naf Qof Oo Waliba Soo Biday Ciirsi Cubitaalka Dawlada .
Laguma Soo Tababarin Ardaydan Anshaxa Dhakhtarnimo Iyagoo Bukaanka Ugaysata Hiif Cay Iyo Waji Gabax Ad Ubadan Isla Markana Bukaanka Ku Cananta Hadu Eray Celiyo Inaanay Ushaqaynayn
Intaaba Waxaa Ka Daran ,Malaha Kantarool La Kantaroolo Ardaydan Iyadoo Bukaan Ku Dul Sakaraadayo Ayay Ku Dul Isticmalan Moobiladooda Ama Iskaga Dul Sheekaystaan
Baaq Dheer Oo Xukuumada Sare
Waxaan Xukuumada Sare Udiraynaa Baaq Ah In Hoos Loo Eego Caafimaadka Gobolka Togdheer Oo La Tayeeyo Cisbitaalka Wayn Ee Burco Isla Markaana Uu Yeesho Shaqaale Tababaran Oo An Ahayn Ardaydan Socod Baradka Ah
In Shaqadooda Lagu Dabo Galo Maamulka Sare Ee Cusbitaalka Iyo Dhamaan Dhakhaatiirta Waawayn Ee Ku Qoranba
Hadii Kale Dharaar Baa Iman Doonta Dhexda Farta Laga Qaniini Doono
Qora Caydaruus Cismaan Cali
AFEEF:
Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .