Khilaaf Xooggan Oo Soo Kala Dhex-galay Dalalka Itoobiya Iyo Kenya.

0
375

Nairobi(Qoryaalenews)-Khilaaf xooggan ayaa xiligaan laga dareemayaa in uu u dhaxeeyo wadamada Kenya iyo Itoobiya oo xubin ka ah dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka Igad.

Arintaan ayaa la xidhiidh shaqsiyaadka noqonaya guddoomiyaha guddiga iyo madaxa fulinta ee ururka goboleedka.

Igad oo la yagleelay sanadkii 1996-dii ayaa ajandaha ay ka shaqeyso waxaa ka mid ah xalinta xiisadaha siyaasada iyo mida amni ee geeska Afrika.

Muranka wadamada Igad u dhaxeeya ayaa yimid 10 maalmood ka hor markii guddoomiyaha haya xilka Igad ahna ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu xilka xoghaya fulinta u magacaabay wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Sida ku xusan warqada magacaabida oo aan helnay ayaa muujineysa in mr Workneh xafiiska uu la wareegi doono kowda bisha soo aadan ee November.

Xukuumada Nairobi ayaa ku andacootay in ay sharci darro tahay arintaan maadaama maadaama mudo laba sanno iyo dhowr bilood ah ay u dhimantahay xoghaye Maxbuub Macalin oo u dhashay Kenya.

Marka laga soo tago in talaabadan ay ka cadhootay Kenya ayaa hadane wadamada kale waxay saluug ka muujiyeen magacaabida mas’uulkaan oo ay sheegeen in aan loo marin shuruucda IGAD.

Balse ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in uu la tashi la sameeyay wadamada xubnaha ka ah Igad,10-kii bishan October oo hogaamiyeyaasha dalalkan ay isugu tageen xaflada furitaanka beerta midnimada oo ka dhacday magaalada Addis Ababa.

Wadamada xubnaha ka ah ururkan ayaa ah sideed dal waxaana ay kala yihiin Soomaaliya Jabuuti Suudaan Eritrea Itoobiya Uganda Kenya iyo Koonfurta Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here