Nin bukaan ah oo qaba cudurka kansarka, kuna nool waqooyiga Carolina ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleystay baqtiyaa nasiib lacageed oo gaaraya $200 oo kun oo doolar.
Ninkan oo lagu magacaabo Ronnie Foster ayaa qabo kansarka gala mindhicirka. markii uu baqtiyaa nasiibka uu ku guuleysanayay wuxuu kusii jeeday daaweynta cudurka kansarka ee loo yaqaano chemotherapy.
Ronnie ayaa markii koowaad magaalada Raleigh ka iibsaday kaarka la xoqo ee baqtiyaa nasiibka, wuxuuna ku helay shan doolar.
Isla shantaas doolar ayuu sidoo kale ku iibsaday laba kaar oo kale, oo midkii koowaad uusan waxba ku guuleysanin, balse midka labaad ayuu ku guuleystay lacagtan.
“Markii aan xoqay kaarka, waxaan arkay lambarada eberka ah ee aadka u badan, aad ayaanna u farxay,” ayuu yiri.
“Waan nasiib badanahay, waxaan u socday cisbital, si aan isaga daweeyo qeybtii ugu dambeeysay ee kansarka,” ayuu raaciyay Ronnie.
Lacagta uu helay ninkan ayaa marka la canshuuro waxaa u soo hareysa $141 kun oo doolar. Waxaa kale oo uu sheegay in uu heysto kaar caafimaad, balse helitanka lacagtan ay u sahli doonta sidii uu ula tacaali lahaa cudurka kansarka.