Halmar Ayuu Toogtay 8 Askari Oo Saaxibadii Ahaa, Maxay Tahay Sababta?

0
368

Halmar Ayuu Toogtay 8 Askari Oo Saaxibadii Ahaa, Maxay Tahay Sababta?

Khariirad

Askariga oo ka tirsanaa milatariga Ruushka ayaa waxa uu toogtay siddeed askari oo kale, waxa uu sidoo kale dhaawacay laba kale oo haatan garaaw ah, sidaasi waxaa sheegay saraakisha ciidamada Ruushka.

”Ramil Shamsutdinov oo haatan la xiray ayaa laga yabaa inuu qabay xanuun dhanka dhimirka ah”, ayay yirahdeen saraakisha.

Toogashada ayaa waxay ka dhacday xarun milatari oo ku taalla tuulada Gorny oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Chita, waxaana haatan socda baaritaan ku aaddan toogashadaasi.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in toogashada ay dhacaday xilli lakala badalayay askarta waardiga haysay.

Dhanka kale warbaahinta maxalliga ah ayaa soo werisay in askarta la laayay laga bartilmaameedsaday madaxa.

Guddi gaar ah oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca Andrey Kartapolov ayaa la filayaa inay u duulaan deegaankaasi si loo baaro toogashada.

 

Xarunta milatari ee ay toogashada ka dhacaday ayaa waxaa yaalla gantaallo awood badan, kuwaasi oo qaadi kara madaxyada niyukleerka.

Ruushka waxaa qasab ah in dhammaan ragga da’doodu u dhaxeysa 18-ilaa iyo 27 sano jir ay qaataan hal sano oo tababar milatari ah ka dib ayuu qofka saxiixayaa inuu ka sii mid ahaanayo Milatariga iyo in kale.

Bartamihii labadii kun ayay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha soo wariyeen in la dhibateeyo dadka ku cusub milatariga dalka Ruushka, balse sannadadii ugu dambeeyay Ruushka ayaa casriyeeyay xarumaha milatariga waxa uuna meesha ka saaray tacaddiyada loo geeysto dhalinyarada ku cusub milatariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here