Birmingham (Qoryaalenews)-Jaaliyada Somaliland Ee Ku sugan Dalka Ingiriiska Gaar Ahaan Magaalada Birmingham ayaa qado sharaf U sameeyey Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mida Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco Oo Safar ku jooga Dalkaasi.
Munaasibadani Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Madax-dhaqameed,Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Aqoonyahano, kuwaasi Oo Xildhibaan Mubaarig Bidhi Ku Amaanay Dadaaladu Ugu Jiro Horumarinta Dalka.
Ugu Horayn Mashada Waxa Ka Hadlay Afahayeenka Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Maxamuud Xirsi ahna Gudooniyaha Xisbiga Kulmiye Ee Magaalada Birmighaam Iyo Sidoo Kale Xubo Kamida Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Kuwaasi Oo Kala Ahaa Axmed Maxamed Adan iyo Cabdifatax Caydiid Xaaji Ibraahin Waxaanay Umahad naqeen Qaban Qaabiyaashi Munaasibadani Waxanaynay Sidoo Kale Soo Dhaweeyen Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ay Ku Tilmaameen Xildhibaan Ka Soo Baxay Shaqadii Ay Bulshada Burco Udooratay.
Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ugu Danbayn Munaasibada Ka Hadlay Aya Dareen Celiyey Qado Sharaftani Ay Ku Maamusen Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Ingirrisku.
” Aad baan ugu mahad-celinayaa jaaliyadda Somaliland Birmingham Ee Sida Milgaha Iyo Sharafta Leh iimaamusay ,waxaan u arkaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay ii hayaan Bulshadayda reer Somaliland Ee Dalka Ingiriisku Marladaa Aadbaad Umahad Santihiin Alle Haydin Sharfo Sidaad Isharfteen,
Waxan Iyagana u mahadnaqaya Badhasabki Hore Gobolka Togdheer Cabdo Axmed Ayir iyo Suldan Barkhad Cabdi Shaybe,Oday Farax Bakayle ,Cumar Cige ,Garyaqan Cabdiraxmaan Cali Ubaxle ,Cabdiraxmaan Salax Xasan (Lisaaye) Maxamed Xusen Geele,
” Waxa xaqiiqo Ah in Qurba-jooga Somaliland Ay kaalin weyn ku leeyihiin Horumarka Qaranka dhinackasta , Waxaan Idin kula Dardaarmayaa Inaad Isku Xidhnaantan Oo Meel Ugu Soo Wada Jeesataan Horumarka Dalka.
Kulankani Ayaa Ku Soo Dhamaaday Jewi Degan Waxaa Loo Balamay Maalinta Sabtida Laysku Yimaado Kulan Lagu Gorfaynaayo Sidii Looga Qayb Qaadan Lahaa Dhismaha wadada Burco ,Oodweyne iyo Hargeysa iyo Madarka Burco 26/10/2019 Ka Qabsoomaya Birmingham.