Maxay Tahay Danta Uu Ruushka Ka Leeyahay Afrika?

0
420

Dalka Ruushka ayaa waxaa uu martigelinayaa shir aad u ballaaran oo ay ka qeybgalayaan hogaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah, taas oo muujineysa saameynta isa soo tareysa ee Ruushka uu ku yeelanayo qaaradda.

Midowgii Soviet ayaa xiriir wanaagsan la lahaa qaaradda Afrika, hasayeeshee waxaa horay looga digay saameynta dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee uu ku lahaa gobolka, kahor dagaalkii qaboowaa.

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin waxa uu sheegay in xoojinta xiriirka uu Afrika la leeyahay ay tahay ahmiyadda kowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka.

Maxaa ahmiyad ah oo uu Ruushka u leeyahay Afrika?

Way iska caddahay in joogitaanka Moscow ee Afrika ay tahay mid dhinacyo badan, haatana ay dib u dhiseyso xiriirkii uu Midowga Soviet la lahaa Afrika.

 
Qofna sanka kama gelineyno aragtida aan qabno. Waxaan aaminsanahay in xalka dhibaatooyinka Afrika uu ka yimaada Afrikanaka.
 

Wakalaadda wararka Ruushka ee Tass o maalma kahor wareysi la yeelatay Madaxweyne Putin ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka Afrika iyo Ruushka uu soo laabanayo, waxana uu sidoo kale ka hadlay ballan qaadyada ay u sameyeen Afrika.

  • Taageero siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed
  • Taageero dhanka ammaanka
  • Taageero dhaqaale
  • Talooyin ku aadan ka hortagga cudurada
  • Gargaar baniaadanimo
  • Waxabarasho iyo tababaro farsamo

.

Ruushka ayaa sanadihii dambe aad u xoojiyay xiriirka siyaasdaeed ee uu la leeyahay qaar kamid ah dalalka Afrika, oo waxaa dalkaas Ruushka booqday 12 hogaamiye oo Afrikaan ah tan iyo sanadkii 2015-ka, halka lix kalena ay booqasho ku tageen Ruushka saandkii 2018-ka.

Ujeedka iyo xiriirka Ruushka uu ka leeyahay Afrika ayaa waxaa muuqata in ay caqabaad ku tahay saameynta dalalka reer galbeedka ay ku leeyihiin qaaradda, taas oo aad u muuqata.

Sanadkii la soo dhaafay, la taliyihii hore ee amniga qaranka ee Mareykanka, John Bolton ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo ujeedkiisa uu yahay sidii looga hortagi lahaa saameynta sii kordheysa ee dalalka Ruushka iyo Shiinaha ay ku yeelanayaan qaaradda Afrika.

Hasayeehsee maqaal uu dhawana daabacay wargeyska The Washington post ayaa lagu sheegay in Ruushka uu aad u daneynayo heshiisyo iyo xiriir dhanka ammaanka oo uu la yeesho dalalka Afrikanka, xilli ay sii yaraaneyso saameynta Mareykanka ee qaaradda.

Ganacsiga dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika

 

Dowladda Ruushka ayaa ah saaxib dhanka ammaanka ee Afrika, oo waxaa uu hub badan ka iibiyay dalal badan oo Afrika, inkastoo suuqa ugu weyn ee uu hubka ka iibiyo Ruushka ay tahay qaaradda Aasiya.

Sida laga soo xigtay machadka Stockholm International Peace , intii u dhaxeysay sanadihii 2014-18, dalalka Afrika marka laga reebo Masar, waxaa ay boqolkiiba 17 hubka ay ka soo iibsadeen dibadda laga keenay dalka Ruushka.

Dalka Algeria ayaa la sheegay in uu yahay kan ugu badan ee hubka ka soo iibsada Ruushka.

Tan iyo sanadkii 2014-ka, markii ay labada dhinac ay kala saxiixdeen iskaashi milateri, waxaa aad usoo xoogeystay iskasshiga dhanka ammaanka ee u dhaxeeya qaaradda Afrika iyo Ruushka oo waxaa heshiiskaas saxiixay 19 dal oo Afrikaan ah.

Sanadihii 2017-18, dalalka Angola, Nigeria, Sudan, Mali, Burkina Faso iyo Equatorial Guinea aya heshiiyo milateri la saxiixday Ruushka, oo waxaa ay ku heshiiyeen in dalkaas ay ka soo iibsdaan diyaaradaha dagaalka, kuwa qumaatiga u kaca ee xamuulka, lidka taangiyada iyo matoorka diyaaradaha dagaalka.

Suuqa ugu weyn ee iibka hubka Ruushka waa Aasiya

 Xiriirka dhanka ammaanka ee uu Ruushka la leeyahay qaaradda intaas o keliya kuma eka, oo waxaa uu mararka qaar uu ku lug leeyahay adeegsiga kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Tusaale, Ruushka waxaa uu si cad uga muuqday dalka Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, oo waxaa uu tgaeero u muujiya dowladda Qaramada Midoobay ay tagaeerto ee dagaalka kula jirta kooxaha dalkaas ka dagaalama.

Sidoo kale dowladda dalkaas waxaa ay ka caawiyaan ilaalinta goobaha muhiim ka ah.

Kooxahaas dowladda Ruushka ay tagaeero ayaa sidoo kale la sheegay in ay joogaan dalal ay kamid yihiin Suudanta Koonfureed, Libya iyo dalal kale.

Madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka uu martigelinayo ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalma kahor u ambabxay dalka Ruushka

Dalalkii Midowgii Soviet uu xiriirka wanaagsan la lahaa waxaa kamid Soomaaliya oo ay dhinacyo badan oo ay kamid tahay ammaanka ka caawiyeen. Ruusha ayaa aad u dhisay ciidankii dowladdii kacanka, inkastoo markii dambe xiriirkooda uu xumaaday, kadib dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya ee sanadkii 1977.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here