Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hanjabaad culus hawada u mariyay dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Siiriya, xili ciidamada dalkaasi howlgalo xoogan halkaasi kawadaan .
Erdogan oo ka hadlayay goob xaflad ah ayaa sheegay in madaxa ka jari doonaan kooxda Kurdiyiinta ah ee dagaalka kula jira ciidamada Turkiga hadii aysan isaga bixin aaga dagaalka.
” Dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya madaxa ayaan ka jari doonaa ” ayuu ku hanjabay Madaxweyne Erdogan.
Dowlada Turkiga ayaa xabad joojin mudo kooban ah ka hirgalisay aaga dagaalka kadib codsi ka yimid Mareykanka, waxa ayna Turkiga doonayaan in xooga uga saaraan aaga ay joogaan Kurdiyiinta hadii aysan isaga bixin.