Muxuu Trump Meesha Uga Saaray Qorshe Uu Shirka G7 Ugu Qaban Lahaa Xaruntiisa Golfka Lagu Dheelo Ee Miami?

0
356

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu meesha ka saaray qorshe uu doonayay inuu sanadka soo socda ku martigaliyo shirka G7 kaas oo uu ku qaban lahaa mid ka mid ah goobahiisa loo tamashlaha tago ee gobolka Florida, kaddib markii ay dhaleecayn uga timid labada xisbi.

Farriimo xiriir ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Mr Trump ku sheegay in uu go’aankaasi dib u eegayo sababo uu ku sheegay hab dhaqan xun oo ay muujiyeen Dimuqraadiyiinta iyo warbaahinta.

Dadka dhaliila Trump ayaa waxa ay sheegeen in qorshahaasi uu daliil u yahay in Mr Trump uu awoodda xafiiskiisa uu isticmaalayo inuu dantiisa gaarka ah ku gaaro, taas oo uu Aqalka Cad diiday.

Mr Trump ayaa sheegay in xarunta madaxweynaha ee shirarka lagu qabto ee Camp David lagu qaban doono shirka G7 

Go’aanka in la isticmaalo xarunta Trump National Doral Miami, ayaa waxaa lagu dhawaaqay Khamiistii, waxaana dhaleeceeyay xildhibaannada Kongareeska, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xulafada madaxweynaha ee Jamhuuriga.

Mid ka mid ah farriimaha uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Mr Trump ku sheegay in goobtiisa loo nasiino tago ay tahay “mid wayn” iyo “qolol waa wayn oo lagu damaashaado iyo sidoo kale kuwo lagu shiro”.

“Waxaan islahaa wax wanaagsan u samee dalkayaga markaan lahaa isticmaal Trump National Doral,” ayuu yiri. “Hasayeeshee, sida caadiga aheyd, warbaahinta dhibka ka shaqeysa iyo Dimuqraadiyiinta ayaa arrinta buunbuuniyay!”

Presentational white space

Markii uu go’aankaasi ku dhawaaqayay ayuu sii hayaha madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad, Mick Mulvaney waxa uu ku sheegay in goobtaasi lagu heli karay “lacag yar”, waxa uuna ku tilmaamay inay tahay “meesha ugu wanaagsan, sidoo kalana malaayiin doolar ayaa noo soo noqon laheyd.

Sikastaba xaalku ha ahaadee waxa uu sheegay in goobtaasi ay sidoo kale ka faa’iidi laheyd dadkaasi caanka ah ee soo booqan lahaa.

Mr Mulvaney ayaa sidoo kale waxa uu diiday in qabashada shirka ee goobtaasi uu xadgudub ku yahay qodob ka mid ah dastuurka Mareykanka, kaas oo diidaya in wax faa’iido ah laga sameeyo dowladaha ajnabiga inuu Kongareesku meel mariyo ma ogiyee.

Aqalka Wakiillada ayaa la filayaa in todobaadkan uu cod u qaadi doono qaraar lagu cambaaraynayo go’aanka. Dimuqraadiyiinta ayaa sida qorshuhu uu yahay waxa ay Aqalka Cad waydiisan doonaan inuu miiska soo saaro xogta ay ku bannaysteen in maamulku uu go’aamiyo in Doral lagu shiro.

Mr Trump attends a golf course opening day at the Doral

Shirka Group 7 ayaa waxa uu inta u dhaxaysa 10-ka ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka soo aaddan dhexmari doona dalalka Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Maryekanka oo lagu daray Midowga Yurub.

Shirka ayaa 2012-kii waxaa lagu qabtay goobta shirarka madaxweynaha Mareykanka ee Camp David ee deegaanka Maryland, halkaas oo 60 mile u jirta magaalada Washington, markaas oo uu madaxda martigaliyay madaxweynihii xilligaas Barack Obama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here