Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ?

0
344

Hargaysa(Qoryaalenews)-Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),

 

ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka.

Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 5 people, people sitting, table, office and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here