Erdogan oo wacad ku maray inuusan joojin doonin howlgalka Suuriya
Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku maray in waddankiisu uu sii wadi doono howlgalka milatari ee uu ka billaabay Waqooyiga Suuriya ilaa laga hirgalinayo ujeeddadiisa ah in “aag nabdoon” laga sameeyo halkaas.Ciidamada milatariga Turkiga oo garab ka helaya maleyshiyaad maxalli ah ayaa billaabay dagaal ay deegaanno u dhow xadka ay la wadaagaan Suuriya uga kicinayaan xoogagga Kurdiyiinta.
Sidey arrintu kusoo gaadhay halkan?
Howlgalka Turkiga, oo billowday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa looga gol leeyahay in lagu durjiyo dagaalyahannada Dimuqraaddiyiinta Suuriya ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ee ku sugan deegaannada xadka u dhow.Turkiga ayaa kooxda SDF u aqoonsan inay tahay urur argagixiso ah.Mareykanka ayaa kooxdaas ku taageerayay dagaal ay kula jireen ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.Dowladda Turkiga ayaa dooneysa inay halkaas ka sameyso “aag nabdoon” oo la dajiyo dadka qaxootiga ah ee ka cararay colaadda ka socota Suuriya, gaar ahaan kuwa hadda ku sugan gudaha Turkiga.
In badan oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ayaan ahayn Kurdiyiin, dadka wax dhaliilana waxay sheegayaan inay tallaabadan noqon karto mid saameyneysa qoomiyadda gobolkaas kaligeed dagganeyd, haddii qaxootiga la geeyana laga tiro badan karo.Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen aaggaas.