Boqollaal tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku xirnaa Sucuudiga oo dib loogu celiyay dalkooda: SAWIRRO

0
356

Muhaajiriin gaareyso 400 oo ku jiray xabsiyo ku yaal Sucuudiga ayaa dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya, sida ay ku warrantay warbaahinta xiriirka la leh dowladda ee Fana.

Muhaajirinta waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bole ee ku yaal magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Warbaahinta ma aysan sheegin dambiyada loo heystay dadkan laga soo tarxiilay Sucuudiga.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, muhaajiriin u dhashay dalkaas oo gaareyso 32,890 qof ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaal dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa Itoobiya dib ugu soo laabtay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Bishii May, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxaa u suurogashay inay sii deyso 1,400 qof oo muhaajiriin ahaa oo lagu xiray dalalka Khaliijka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Kumanaan Itoobiyaan ah oo u tahriibay dalalka Khaliijka iyo Koonfurta Afrika kuwaas oo dhaqaale raadis ahaa ayaa lagu xiray dalalkaas kaddib markii la sheegay in si sharci darro ah ay ku galeen halkaas.

Dhanka kale, Itoobiya waxay la daalaa djhaceysa sidii ay dib u dejin ugu sameyn laheyd malaayin qof oo gudaha dalkaas ku barakacay kaddib dagaalladii u dhexeeyay qowmiyadaha qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here